Faah-faahino kasoo baxaya duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Bari

0

BOOSAASO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee Puntland.

Duqeynta ayaa lagu beegsaday fariisimo ay halkaasi ku leedahay kooxda Daacish, ayada oo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ma jirto ila hadda cid sheegatay inay ka dambeysay duqeyntan lagu beegsaday kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa si weyn looga dareemay inta badan gobolka Bari, maadaama duqeynta ay soo gaartay illaa saaka.

Si kastaba, Ma’ahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah xubnaha Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here