Faah faahino kasoo baxaya howl-gallo laga sameeyey Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ay xalay ka sameeyeen degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Hodan, Howlwadaag & Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Howl-gallada ayaa ahaa kuwa ay ciidamadu guri guri ugu baarayeen xaafadaha qaar ee degmooyinkaasi, waxaana ujeedka uu ahaa amni xaqiijin, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro waxaana ay isugu geeyeen hal goob, iyaga oo kadib sii daayey inta badan dadka ay soo qab qabteen.

Waa habeenkii saddexaad oo xiriir ah, isla-markaana ciidamada Booliska ay howl-gallo ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka dhaceyso doorashada kuraas ka mida Golaha Shacabka gaar ahaan xubnaha ka imaanaya gobolada waqooyi (Somaliland).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here