Faah faahino kasoo baxaya howlgal ka dhacay duleedka degmada Matabaan

0

MATABAAN (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgal culus ka sameeyeen deegaanka Qabdho oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa amid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xarun ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha milatariga Somalia.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Xoogga oo ka hadlay howlgalkaasi ayaa sheegay in lagu dilay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyey xarun ay lacago ku qaadi jireen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana uu ujeedka yahay, sida Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here