Faah-faahino kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo laga sameeyey Hodan

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamada ammaanka Soomaaliya xalay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada Booliska ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo falalka amni darrada ah.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Banaadir, Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) oo horkacayey howlgalka ayaa sheegay in sidoo kale lagu qabtay maanka dooriye.

Sidoo kale wuxuu tilmamay in ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga.

Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dhac iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegato Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here