Faah faahino kasoo baxaya iska hor imaad ka dhacay degmada Wadajir

0

MUQDISHO (SMN) – Is rasaaseyn u dhexeysay kooxo burcad ah iyo ciidamada Booliska ayaa xalay ka dhacday xaafadda Ceelqalow oo ka tirsan dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo Taleefanada dhaca ayaa ku dagaalamey halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay khasaare xoogleh gaarsiiyeen raggii burcadda ahaa oo watay mooto nooca Bajaajta ah.

Sidoo kale goobjoogayaal ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadu ay soo afjareen howlgalka waxana dhaawac lagu qabtey labo ka mid ah kooxihii burcada ahaa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse xaaladda ayaa saaka ah mid deggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here