Faah faahino kasoo baxaya iska hor imaad xalay ka dhacay Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee Puntland iyo rag hubeysan oo xalay ka dhacay xaafad ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii ciidamada ammaanka Puntland ay howl-gal ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ragga hubeysan oo la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka-dooriya, waxaana labada dhinac dhex-martay is-rasaaseyn kooban.

Ugu yaraan 3 saddex askari ayaa ka dhaawacantay ciidamada Puntland, halka laba ay ka dhaawacmeen ragga hubeysan oo xilligaas ku sugnaa agagaarka xerada Kabiska.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliiska, qeybta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen 9 ka mida ragga iibanayey maan-dooriyaha.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka ee xaafaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here