Faah faahino kasoo baxaya iska hor imaad xalay ka dhacay Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay iska hor imaad khasaare geystay uu ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe.

Iska hor imaadka ayaa waxa uu u dhexeeyey ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo askar ka tirsan kuwa Taraafikada ee ka howl-gala halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhashay gaari laga xereeyay ciidanka madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in is-rasaaseynta, kadib ay goobta gaareen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo xiray afar askari oo ka mid ah ilaalada Karaash.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana weli socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga Puntland oo ku aadan shaqaaqada ka dhacday halkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here