Faah faahino kasoo baxaya khasaaraha dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo aad u qaraar oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray deegaano hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalada u kululaa ayaa labada dhinac ku dhexmaray deegaanada Afcad iyo Ceel bacad oo ku yaala inta u dhaxeysa magalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Jenaraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney khasaare xoogan gaarsiyeen Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay kusoo furteen hub kala duwan oo ay ka mid yihiin 14 qori oo AK47 ah hal qori oo BKM ah iyo hal qori oo RPG ah.

Ugu dambeyn Jenaraalka ayaa sheegay iney sii wadayaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here