Faah faahino kasoo baxaya kulan u socdo Farmaajo iyo Rooble

0

Xarunta Villa Soomaaliya waxaa haatan ka socda kulan u dhexeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble kaas oo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka dhexdooda ah.

Kulankan ayaa waxaa garwadeen ka ah madaxda maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoor Qoor, kuwaas oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo ku dhow shirka ayaa waxa ay sheegeen in labada dhinac ay ka muuqato isu soo dhawaansho ku saabsan in xal waara laga gaaro khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Farmaajo iyo Rooble ayaa saameyn ku yeelatay xaaladda dalka iyo sidoo kale geeddi socodka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here