Faah faahino kasoo baxaya nin xaaskiisa ku dilay degmada Warta Nabadda

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nin la sheegay inuu xalay xaaskiisa ku dilay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi naxdinta leh.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in ninkaasi oo lagu magacaabo Macalin Bashiir uu xaaskiisa dilay, iyada oo Bashiir uu ahaa shaqsi si aad ah looga yaqaano degmada Warata Nabadda oo ah halka UU falku ka dhacay.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Salaado, waxaana dilku uu ka dhacay Xaafadda Geed-Jaceyl ee degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ninkan ku qasabtay inuu dilo xaaskiisa, waxaana dhacdadani ay dadka deegaanka ku noqotay mid naxdin ku abuurtay.

Ninka falka dilka ah geestay ayaa la sheegay in uu baxsaday, waxaana haatan ku raad-joogo ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here