Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday agaasimaha Telefishinka Qaranka Sharma’arke Maxamed Warsame iyo agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Africa

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada agaasime ay soo gaareen dhaawacyo, islamarkaana loola cararay mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Wixii soo kordha kala soco: Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here