Ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS oo qarax lagula beegsaday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barnimadii maanta ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS lagula beegsaday degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada ATMIS, xilli ay marayeen isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas fureen ciidamada ATMIS ee la qarxiyey, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay iyo waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa, kadib ciidamada ATMIS ay sii wateen socdaalkooda, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal amni darro ah, kuwaas oo keenay inay haatan howlgallo bilaabaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here