Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Baydhabo + Sawirro

0

Qarax sababay dhimasho iyo dhawac ayaa maanta ka dhacay suuq qaadka lagu iibiyo ee ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Ugu yaraan illaa 3 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 7 qof oo kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dadka qaba dhaawacyada oo qaarkood ay ku jiraan kuwa halis ah ayaa waxaa la gaarsiiyey goobaha caafimaadka, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degdan, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ka bixiyeen qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here