Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay degmada Balcad

0

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay iskuul ku yaal magaalada Balcad halkaas oo ay ardayda fasalada siddeedaad ay u fadhiyeen imtixaan.

Qaraxan oo ka dhacay afaafka hore ee dugsiga xilli ay ardayda ku sugnaayeen daabuurka dugsiga una diyaar garoobayeen gelista imtixaanka maanta la qaadayay.

Ugu yaraan hal askari ayaa oo ku sugnaa albaabka iskuulka ayaa ku dhaawacmay qaraxan iyadoo aanay waxba gaarin ardaydii ku sugneyd xarunta dugsiga.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ardayda ay sii wateen inay u fariistaan imtixaanka manta loogu talagalay.

Ammaanka magaalada Balcad ayaa sidoo kale wanaagsanaa xilliyadii la soo dhaafay inkastoo mararka qaar ay ka dhacaan qarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here