Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso inuu ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in miinada ay haleeshay mooto ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayey wadadaasi.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka uu ku dhaawacmay mid kale waxayna dhammaan ahaayeen dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here