Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday ciidana ka tirsan kuwa Xoogga dalka, xilli ay howl-gal ka wadeen inta u dhexeysa Beledweyne iyo Maxaas.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Shabelle u shegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa sidoo kale howl-gal ka sameeyey goobta weerarka qaraxa ah lagula beegsaday, iyaga oo baadi goobayey raggii miinada u dhigay.

Si kastaba ha’ahaatee ciidamada huwanta ayaa waxaa inta badan weeraro iyo qarax la beegsada xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here