Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay gudaha saldhigga Booliiska ee magaaladaasi, xilli ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen labo qof oo kala ahaa duqii deegaanka Feer-feer, Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad ku laheyd halkaasi.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay taliyaha saldhigga Booliiska Beledweyne, Col. Maxamed Qoorsheel iyo guddoomiyaha maamulka deegaanka Feerfeer Mahad Bayle.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo howl-gallo kooban ka sameeyey meesha uu qaraxu ka dhacay.

Beledweyn ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka, waxaana maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here