Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gurigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida Jubbaland oo ku yaalla xaafadda Farjano ee magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uusan geysan wax khasaare ah, marka laga reebo burbur gaaray dhismaha guriga uu weerarka qaraxa ah ka dhacay.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey howl-gallo kooban oo baaritaano ah.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa Kismaayo oo ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey doorashooyinka ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here