Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo xalay ka dhacay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Xeebta Qoryooley ee Xaafadda Farjanno oo ka tirsan isla magaaladaasi.

Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Jaamac Axmed Cali Joofane oo faah faahin ka bixiyey qaraxaasi ayaa sheegay inay ku dhinteen labo ruux oo rayid ah,  halka todobo kale oo saddex ka mid ah ay yihiin askar ay dhaawacmeen.

Jaamac ayaa sidoo kale sheegay inay haatan wadaan baaris ku aadan qaraxaasi, isla-markaana ay soo bandhig doonaan natiijada kasoo baxda howl-gallada ay wadaan ciidanka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay sheegatay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here