Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga oo u dhow isgoyska Fagax ee degmada Kaaraan.

Goobjoogaayaal ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in xilliga uu dhacayey qaraxa uu waddada marayey taliyaha saldhiga Booliska degmada Kaaraan, Salaad Caraale.

Ma cadda waxyeelada uu geystay qaraxan, balse xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here