Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho + khasaaraha

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud, kaas oo la soo wariyey inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi, balse waxaa goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here