Faah faahino kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino agaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed xilli uu kasoo baxay Taliska Villa Baydhabo.

Sarkaalka la bartilmaameedsaday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu qaraxa kasoo gaaray dhaawac, iyada oo loola cararay mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saddex qof ay ku dhinteen qaraxan, kuwaas  oo kala ah mid ka mid ah ilaalada sarkaalka la beegsaday, darawalkiisa iyo qof kale oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here