Faah-faahino ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka duleedka degmada Matabaan uu ka dhacay qarax miino oo sababay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen wariyeyaal askar la socotay kolonyo uu horkacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku socdeen howlgal, kadibna uu qaraxa ku qabsaday wadada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ay ku jiraan wariyeyaal ay ka mid yihiin Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeelow.

Dhanka kale ma jiro weli wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ka fuliya waddooyinka isku degmooyinka gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here