Faah faahino kasoo baxaya qaraxii ka dhacay isgoyska Ceelgaabta

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qaraxii is-miidaamiinta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxa uu sidoo kale burburiyey gawaari u badan kuwa raaxada iyo mootooyin nooca Bajaajta oo xilligaas marayey isgoyska Ceelgaabta.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey weerarkan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna tilmaamay in haatan laamaha ammaanka dowladda ay wadaan baaris ku aadan qaraxaasi.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay mas’uuliyiin iyo saraakiil ku sii jeeday madaxtooyada.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli aad u kacsan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here