Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay deegaanka Camaara

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaalyahanada Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ee ku sugnaa halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga oo weerarka, kadib la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna iska difaaceen.

Dhankooda Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerarka ayaa sheegtay inay la wareegeen deegaanka Camaara, sidoo kalena ay gaadiid iyo hub ka qabsadeen ciidamada huwanta.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka deegaanka Camaara ee koonfura gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here