Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay gobolka Hiiraan + khasaaraha

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay fuliyeen dabley hubeysan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana lagu beegsaday dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo dhammaantood ahaa dad shacab ah.

Sidoo kale labada qof ee geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Gallad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiirey, kuwaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanada gobolkaasi.

Dhacdadan ayaa lagu soo warramayaa inay salka ku heyo dilal xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here