Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay gobolka Sh/Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo dhacay gelinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd, sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo ku sugan gobolkaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Buulomareer, kaas  oo 123 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna tilmaamtay in 17 ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM, kuwaas oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee ka dhacay gobolka Shabeellada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here