Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaas ay weerar ku qaadeen dabley hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin jabhadda xoreynta SSC oo uu hogaamiyo Faysal Falaalug.

Dhawaqa rasaas xooggan oo dhex-martay ciidanka Somaliland iyo dableyda ayaa xalay saq-dhexe laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraaha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya howl-gal ka bilaabay ciidamada ammaanka ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here