Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday guriga uu Baraawe ka dagan yahay guddoomiyihii hore ee degmadaaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib ay rasaas fureen ciidamada ilaalada ka hayey guriga mas’uulkaasi, mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay halkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana gudaha magaalada howl-gallo ka sameeyey ciidamada ammaanka ee ka howl-gala degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here