Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka koowaad oo loo adeegsaday madaafiic ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Baydhabo, waxayna ku jawaabeen iyaguna madaafiic.

Sidoo kale waxaa weerarka labaad oo uu xigay dagaal toos ah uu ka dhacay saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaas iyo dagaalka xigay, balse saaka ciidamada ammaanka ayaa howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Baydhabo ayaa waxaa haatan ka socota doorashada xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan xildhibaanada baarlamaanka kasoo galaya dhinaca maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here