Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fulisay dabley hubeysan oo kadib goobta isaga baxsatay.

Sidoo kale warar ay Shabelle heshay ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday mas’uul ka tirsan mid ka mid ah ururada ka shaqeeya samafalka ee ka howlgala dalka, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Axmed Maxamuud, kaas oo ka bad-baaday isku-dayga dilka ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in raggii qaaday ay si nabad ah uga tegeen goobta, mana bixin faah faahin intaasi ka baxsan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan, dilal iyo qaraxyo ay fuliso Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here