Faah faahino kasoo baxaya weerar saaka ka dhacay duleedka Balcad

0

BALCAD (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa xigay dagaal toos ah, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Qalimow oo hoostaga magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jir khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa guullo sheegatay, waxayana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaanka Qalimow oo muhiim u ah isku socodka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladd ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here