Faahfaahin kasoo baxaya dagaalka ka dhacay gobolka Bay + Khasaaraha

0

BAYDHABO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ku sugan deegaanka la wareeray ayaa ka warbixiyay dagaalka, wuxuuna sheegay in jab xoogan lagu gaarsiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Xasan Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkaas lagu dilay illaa 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, sidoo kalena laga gubay gaadiid dagaal.

Dhanka ciidamada dowladda waxa uu tilmaamay inay ka dhigeen illaa shan askari oo ku sugnaa xerada la weeraray.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan la filayo in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ka socda inta badan gobollada Soomaaliya, kuwaas oo degmooyin iyo deegaano horleh lagu qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here