Faahfaahin ku saabsan weerarka ka socdo xarunta gobolka Banaadir

0

MUQDISHO (SMN) – Ugu yaraan seddex Qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay nawaaxiga Xarunta Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa 1-aad uu ka dhacay dhabarka dambe ee Xarunta Gobolka.

Labo qarax ayaa sidoo kale laga maqlay inta u dhaxeysa Xarunta Dowladda Hoose iyo Suuuqa Muqdisho Mall.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan xarunta maamulka gobolka Banaadir, ayada oo xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ilaa hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here