Faahfaahin: Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay qaybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay degmooyinka Hodan iyo Waabari ayaa ka dhacay halka loo yaqaabo Trepiano, waxaana lagu xiray gaari nooca raaxada ah.

Inta ka xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa afar qof oo shacab ahaa, kuwaas oo wadada marayey waxaana qaarkood ay saarnaayeen mooto Bajaj.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, ayada oo ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa halka uu qaraxu ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here