CADALE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyo ciidamada dowladda, kuwa degaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab, kaas oo ka socdo agagaarka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen degaannada Boos-caduur iyo Warta-dibi Samatar oo hoosta degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiid uga qabsadeen dagaalka haatan ka socda nawaaxiga degmada Aadan Yabaal.
Xaaladda ayaan haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ujeedka ciidamada huwanta uu yahay inay gudaha u galaan degmadaas oo ay sanado badan maamulayeen Al-Shabaab.