Faahfaahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) – Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Uganda ee howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Buundo Weyn, halkaas oo uu ku yaallo saldhig ay dagan yihiin ciidamada howlgalka ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo ciidamada ATMIS oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyay.

Inta badan waxaa degmada Afgooye ka dhaca dilal iyo weeraro ay ka geystaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here