Wararkii u dambeeyey dagaalkii ka dhacay deegaanka Nuur Dugle

0

JOWHAR (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo haatan ka socdo duleedka deegaanka Nuur Dugle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka dhashay weerar ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin Tuulada Huurweyn.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay dagaalkan ku dhinteen  10 qof oo  labada dhinac ah, iyadoo dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Dadka dagaalkan ku geeriyooday waxaa kamid ah Saraakiil iyo askar ka kala tirsan ciidamadda isbaheysnaaya oo ay kamid yihiin taliye Cabdullaahi Caraaye Cumar oo saraakiisha milatariga ee howlgalkan Hormuudma u ahaa kamid ah iyo Sheekh Qaasim Cali Gaab oo ahaa hogaamiyaha macaawisleyda deegaanka Nuur Dugle.

Nuur Dugle ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee laga saaray Al-Shabaab, waxaana dhowaan kormeer shaqo ku tegay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here