Faahfaahino ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaadka Macawiisleyda iyo dagaalyahanada Al-Sbabaab ay ku dagaalameen gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mi culus ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Xalfooley oo ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay, kadib markii maleeshiyaadka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Kooxda Macawiisleyda ayaa guullo ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay inay  la wareegeen deegaanka uu dagaalka ka dhacay, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here