Faahfaahino ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa ka dhacday deegaanada Bacda, Qabno iyo Cowmaad oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Mataaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ku sugan xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan dhanka cirka ah ee ay Itoonoya ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaano dhaca xadka Itoobiya oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here