Faahfaahino ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ka dhacay Dharkenley

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamada Booliska ee qaynta Saldhig Galbeed, waxaana lagu soo qabtay rag burcad ah oo ku sugnaa qaybo ka mid ah degmadaasi.

Sidoo kale waxaa howlgalka qayb ka ahaa guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubey oo shaaciyay in ragga la soo qabtay ay dhibaato ku hayeen shacabka.

Dharkenley ayaa ka mid ah degmooyinka ay ka jiraan kooxaha ciyaal weerada, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo lagu sugayo ammaanka.

Ciidamada dowladda ayaa habeenadii la soo dhaafay xoojiyay howlgallada culus ee ka socdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si looga hortago falalka amni darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here