Faahfaahino ka soo baxaya howlgallo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxayaa howlgallo ay xalay siyaabo kala duwan Muqdisho uga sameeyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Hodan, waxaana sameeyay ciidamada Booliska oo kaashanaya maamulkaasi degmadaasi.

Sidoo kale howlgalka labaad oo ay fuliyeen ciidamada NISA ayaa isna ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Intii ay socdeen howlgalladan waxaa lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay markii dambe sii daayeen ciidamada ammaanka, kadib su’aallo ay weydiiyeen.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada amni xaqiijinta ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here