Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Boosteejo laga raaco gaadiidka dadweynaha oo ku taalla bartamaha magaalada Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli ay mashquul aheyd goobta, isla-markaana ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid ah deggan, waxaana Baraawe howlgallo baaritaano ah ka wada ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaaladaas oo xarun u ah Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here