Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari NOAH ah oo ay la socdeen askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, xilli ay marayeen  deegaanka lagu magacaabo Xaanshooley oo hoos yimaada magaalada Jowhar.

Ugu yaraan 1 askari ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale oo ka mid ah dadkii la socday gaariga qaraxa lala egetay.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, Mahad Muxidiin Calasow iyo taliyaha saldhigga Booliska Garoonkaasi Kabtan Muuse, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydka marxuumka iyo dhaawacyada ka soo qaaday deegaanka Xaanshooley.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah ka fuliya waddooyinka isku xira Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayagoo beegsada ciidanka ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here