Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Kismaayo + khasaaraha

0

KISMAAYO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay xaafadda Siinaay ee magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray guri uu daganaa Abaanduulihii hore ee ciidamada Jubbaland oo magaciisa lagu soo koobay Raamsade.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu xiray darbiga guriga, waxaana la soo wariyey inay ku dhinteen qaar ka mid ah carruurta sarkaalka la beegsaday oo isaga iyo xaaskiisa ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Kismaayo.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa sidoo kale gaaray goobta, waxaana illaa iyo hadda ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi.

Kismaayo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay qaarkood ka fuliso Xarakada Al-Shabaab oo weli ku sugan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here