Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saaka aroortii hore ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa isgoyska Tarabuunka iyo wadada ka timaada dhinaca isbitaalka Masaarida.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo xilligaas marayey wadada, waxaana la soo wariyey in baabuurkaas uu ka bad-baaday waxaana halkaas ku dhintay 2 qof oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse kama hadlin qaraxa iyo howlgalka xigay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegato Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here