Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho + bartilmaameedka

0

Mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda dhallinyarada DFS ayaa maanta ka badbaaday Qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qarax ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan waddada Taleex ayaa lala eegtay gaari uu watay mid ka mid ah shaqaalaha wasaaaradda dhallinyarada oo magaciisa lagu sheegay Daahir Cabdi Maxamuud. Ma jiraan qasaare u geystay marka laga reebo burbur soo gaaray gaarigii.

Ciidadamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xiray halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoo baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxan sida lagu baahiyay baraha taacabsan.

Qaraxyada nuucaan ah ayaa badanaa lal eegtaa shaqaalaha dowladda iyo kuwa hay’adaha la shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here