Faahfaahino ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay Beledweyne + khasaaraha

0

BELEDWEYNE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa lagu weeraray xarunta Lama-Galaay, halkaas oo ay ku yaallaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan madaxa HirShabelle iyo mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada loo adeegsaday gawaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 10 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxyada maanta gilgilay magaalada Beledweyne.

Sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey, halka ay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.

Si kastaba, weerarkan ayaa ku soo aadayo xilli maalmihii u dambeeyey ay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo culus ka wadeen gobolka Hiiraan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here