Qaraxyo xoogan oo saaka ka dhacay gudaha degmada Maxaas + Sawirro

0

MAXAAS (SMN) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay laba qarax oo waa weyn ay ka dhaceen gudaha degmada Maxaas ee gobolkasi.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weeraradaan qaraxyada loo adeegsaday lala beegsaday goobo lagu qaxweeyo oo ay ganacsiyo ku yaallaan, waxaana ka dhashay, dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiijiyay illaa 5 qof oo ahaa shacab ayaa ku dhintay qaraxyadaan, kuwaas oo ay ku jiraan haween shaax ku iibinayay goobta, waxaana jira dhaawac intaasi ka sii badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka intaba.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo inta badan Al-Shabaab looga saaray gobolkaas oo xudun u ah kacdoonka socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here