Faahfaahino ka soo baxaya weerar ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Iskuulka Cumar Samatar, kadib markii ay rag hubeysan rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Ayaanle Siciid Faarax, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii ka dambeeyey dhacdadaas, ayada oo haatan baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka ee Puntland.

Si kastaba, weerarkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeyey labada maleeshiyo oo ku murmay dhul ku yaalla halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here